Monday, July 14, 2025

Qarax is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay Buuhoodle & Siyaasiyiin Caan ah oo lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in qarax is-miidaamin ahaa uu caawa fiidki ka dhacay magaalada Buuhoodle, iyadoo lagu beegsaday Gaari ay saarnaayeen rag siyaasiyiin ah.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid is-miidamain ah, waxaana lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen laba nin oo siyaasiyiin ah, kuwaas oo ka soo baxay masaajid oo ay ku soo cibaadeysteen, kuwasoo ku dhintay qaraxa.

Labada nin ee lagu dilay qaraxan ayaa lagu kala sheegay Cabdifataax Maxamed Cali oo hore ugu soo shaqeeyey dawladdii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Khaatumo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qofka weerarka gaystay uu ahaa qof isa soo midaamiyey. Afar qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON