Wararka laga healyo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maamusho.
Qaraxa oo la sheegay in loo adeegsaday Mooto-Bajaaj laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Gaari uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo saddex ka mida ilaaladiisii.
Qaraxa ayaa ahaa mid culus, waxaana uu dhacay Duhurnimadii xilli u guddoomiyaha kasoo baxay xarunta Gobolka, wuxuuna qofka is-miidaamiyey waday Mooto Bajaaj sida ay sheegeen wararka hordhaca ah ee goobta laga helay.
Alshabaab ayaa sheegatay qarax is-miidaamin ahaa oo 29 Bishii Maarso 2020 lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’ jir), kaasoo Alshabaab ay sheegatay.
