Qarax is-miidamin ah ayaa lagu qaaday xarunta booliska magaalo xeebeedka Chabahar ee koonfurta bari ee dalka Iraan, kaasoo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof, iyadoo 24 kale waa ay ku dhaawacmen. Waxaana la sheegay in gaari uu waday qof is-miidaamiye ah, kadibna ay rasaas ka dhacday goobta oo ku taalla gobolka Sistan-Baluchestan, oo ay ku badan yihiin muslimiinta Sunniga ah ee laga tirada badan.
“Saddex qof ayaa la dilay qaar kalena waa ay dhaawacmeen. Qofka is-miidaamiyey ayaa qarxiyey baabuurka markii uu yimid xarunta booliska” ayuu yiri Rahmdel Bameria ah sii-hayaha guddoomiyaha Gobolka qaraxa ka dhacay, isagoo la hadlay taleefishinka dowladda.
Mohammad Hadi Marashi, oo ah ku-xigeenka barasaabka ee arrimaha amniga ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan laba sarkaal oo boolis ah. Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.