Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax ka dhacay agagaarka Madaxtooyada, gaar ahaan Tiyaatarka Qaranka oo ah Bar laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, Waxaana qaraxa kadib goobta ka dhacay rasaas xoog leh, iyadoo ciidamada amniga ay goobta xireen.
Qaraxa ayaa ahaa is-miidaamin, waxaana uu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyadoo burbur xoog leh soo gaarsiiyey dhismooyinka ku dhow Tiyaatarka Qaranka oo ay ku jiraan xarumo warbaahineed.
Gaadiid gurmadka degdega ah ayaa goobta tegay, iyadoo dhaawacyo kala duwan halkaasi ka qaaday, waxaana goobta lagu arkay jir go’goan oo loo maleynayo qofkii is-miidaamiyey iyo dad halkaasi marayey.