Qarax Bam ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, halkaasoo lagula beegsaday kolonyo ay ciidamo la socdeen.
Qaraxan oo k dhacay degaanka Calamada ee duleedka Muqdisho ayaa Wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in ay ku dhinteen laba qof, halka dhowr qof oo askar ay ka mid yihiinna ay ku dhaawacmeen.
Waxaa qaraxa lala beegsadya kolonyada shirkad dhinaca ammaanka ee Bankaraft oo ah shirkad Mareykanka ah oo la-talisa AMISOM , kana taageerta dhinacyada tababarrada iyo qalabeynta.
Labada ee qaraxa ku dhintay ayaa ahaa dad rayid ah oo la socday Mooto Bajaaj, kuwaasoo qaraxu qabsaday. Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa goobta gaaray, falkaas kadib iyagoo soo galbiyay kolonyadii la wareeray.
Goobjooge