Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Qarax ka dhacay xalay saqdii dhexe kadib guri ku yaalla degmada Kaaraan.
Qaraxa oo ahaa mid xoog leh ayaa ka dhex dhacay Guri la sheegay in lagu diyaarinayey oo ku yaala degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir. Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqleen xalay saqdii dhexe kadib Qaraxa gurigan oo ku dhow xarunta degmada Kaaraan, waxaana Guriga la wareegay ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay dadkii ku noolaa.
Ciidamda amaanka ayaa ogaaday in qaar ka mida dadkii guriga ku sugnaa ay ka baxsadeen inta aysan gaarin ciidamada ammaanka, waxaase lagu qabtay qaar kale oo baaritaan lagu hayo, iyadoo aan la soo werin qasaare nafeed oo qaraxu geystay.
Maamulka degmada ayaa sheegay in qaraxu ka dhashay Qaraxu ka dhashay Gaaska cuntada lagu kariyo. Degmada Kaaraan ayaa ka mida xaafadaha lagu sameeyo qaraxyada oo dhowr goor ay shilal ka dhaceen.