Monday, June 23, 2025

Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso & Qasaare ka dhashay.

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inuu Qarax ka dhacay magaaladasi, qaraxaasi oo ahaa nooca Miinada ee Dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari nooca raaxada ah oo xilligaasi marayay hotelka Boosaaso hortiisa, iyadoo wararku sheegayaan inuu dhaawac kasoo gaaray laba askari oo ka tirsan Ciidamada Badda Pntland ee loo yaqaan PMPF. Dhaawaca labada askari ayaa la sheegay inuu yahay mid aad cusleyn.

Saraakiisha amniga magaalada Boosaaso ayaa sheegay in qaraxa uu geystay dhaawacyo fudud, iyagoo wada baaritaan ku saabsan cidda ka danbeysay qaraxaasi.

Ad

Magaalada Boosaaso oo qaraxyo iyo dilal kala duwan ka dhacaan ayaa waxaa ka howlgala kooxaha Daacish iyo Alshabaab, iyadoo qaraxa maanta aanay cidna weli sheegan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON