Sunday, July 13, 2025

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho & Gaari Dadweyne oo lagu rasaaseeyay Degmada Afgooye

Qarax nooca miinada oo ka dhacay barta ciidamada Ex-kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Hal askari ayaa ku dhintay qaraxa, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen laba kalena oo ku sugnaa goobta qaraxa ka dhacay. Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa ahaa  Booliska Soomaaliya oo halkaasi ku leh bar koontarool.

Dhinaca kale ciidamo la sheegay inay ku lebisnaayeen dareyska ciidamada milateriga ayaa rasaas ku furay Gaari ay dad shacab ah la socdeen oo siday Qaad, Gaarigan ayaa xilliga rasaasta lagu furayay ku socdaalyey inta u dhaxeysa Baar Ismaaciil iyo Taraafikada.

Gaariga ayaa rasaas lagu furay markii darawalka uu diiday inuu u istaago ciidamada, iyadoo uu rasaasta ku dhintay Darawalkii Gaariga oo ku sii jeeday degmada Afgooye, iyadoo qof kale uu ku dhaawacmay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON