Monday, June 23, 2025

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho & Guddoomiye Degmo oo dirqi uga badbaaday

Faahfaahin dheeraad aha ayaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho oo lala beegsaday mid ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka la dhigo ayaa ka qarxay meel u dhow Garoonka En. Yariisow (Ex. Koonis) ee degmada C/casiis, magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu ka badbaaday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muuse Geeseey Jimcaale oo loola dan lahaa in lagu khaarijiyo.

Qof shacab ah ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxa, kaasoo ahaa Bajaajle goobta marayey, waxaana ku dhaawacmay qof haween ah oo iyaduna qaraxa la kulantay. Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee la beegsaday ayaa la sheegay inuu ka qeyb geli rabay ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacaysa garoonka.

Waxaa si weyn u sii kordhay weerarrada Alshabaab iyo qaraxyada miinada oo joogto uga dhaca Muqdisho iyo Gobollada Koonfurta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON