Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhaay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Trebuunka ee degmada Hodon.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miinada dhulka oo la dhigay agagaarka Isbitaalkii DEVA, waxaana ku dhaawacmay qof la socday Mooto Bajaaj goobta mareysay.
Qaraxa ayaa loola dan lahaa Gaari nooca aan rasaastu karin oo goobta mareyay, basle waxaa dhaawac kasoo gaaray Mooto Bajaaj la kulantay xilliga uu qaraxa dhacayey.
Qaraxyada ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho iyo Gobollada Koonfurta, iyadoo Alshabaab sii kordhiyey falalka ay ku beegsaneyso ciidamada dowladda iyo bartilmaameedyada dadka rayidka ah.