Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa qarax Miino oo saaka ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la dhigo ayaa lala beegsaday Gaari uu la socday Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab), kaasoo marayey Jidka Afisiyooni, agagaarka Iskuulka Al-Masal, waxaana uu dhaliyey qasaare inkastoo la sheegay inuu ka badbadaay Jen. Cali Gaab.
Wararka ayaa sheegaya inay qaraxa ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah, waxaana waxyeelo uu gaarsiiyey Gaariga lala eegtay.
Waa markii labaad ee qarax noocan oo kale ah lala beegsado Jeneraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab) oo sidan oo kale todobaadii hore loogu qarxiyey Gaarigiisa Isgoyska Banaadir.
