Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan wararka laga helayo ay sheegayaan inuu ahaa qarax Miino.
Qaraxa oo ka dhacay Isgoyska Trebuunka ee degmada Hodon, agagaarka Isbitaalka Digfeer, iyadoo lala damacsanaa Gaari ay wateen ciidamada Milateriga, wuxuuna dhaliyey qasaare u badan dhaawacyo, iyadoo qaraxaasi waxyeelo kasoo gaartay Mooto Bajaaj goobta mareysay oo qalibantay markii qaraxu dhacay, iyadoo dadkii saarnaa ay ku dhawacmeen.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in ilaa saddex qof ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo, waxaana la geeyay isbitaallada.
Ma jirto weli cid sheegatay qaraxan oo imaanaya iyadoo caasimadda ay muddooyinkii dambe ka nasatay qaraxyada.