Monday, July 14, 2025

Qarax ka dhacay Muqdisho oo askar lagu dilay, Qaar kalena lagu dhaawacay

Qarax ka dhacay goor dhoweyd magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa ayaa lala beegsaday askar ka tirsan Booliska oo ku sugan Isgoyska Ceelgaab ee Magaalada Muqdisho, waxaana wararka sheegayaan in qaraxan ay ku dhinteen 2 askari, ayna ku dhaawacmeen 7 kale..

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya Qaraxan oo la sheegay inuu ahaa miino goobta lagu aasay, warar kale ayaa sheegaya in Bam gacmeed uu ku soo tuuray baabuur halkaas maray.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa ilaaliya xarunta madaxtooyada, iyadoo halkaas lagu baaro gaadiidka u socda madaxtooyada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON