Qarax la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa la fashiliyay, sida ay shaacisay Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA.
Qoraal ay NISA soo saartay ayaa lagu sheegay in qaraxu ahaa miino la dhigay wadadda mashquulka badan ee Taleex meel u dhow Isbitaalka DEVA, halkaasoo ay tageen ciidamada NISA ayna kala furfureen.
HOOS KA AKHRI QORAALKA NISA
Ciidamada Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka waxay aroornimadii saaki abaaro 6:25am ee 6/February/2017 ka hortageen qarax miino oo argagixisada soo dhigeen waddada Taleex, agagaarka Isbitaalka Deva ee Degmada Hodan, Gobolka Banaadir.
Miinadaas oo ay argagixisadu ugu tala galeen inay ku waxyeeleeyaan bulshada Soomaaliyeed, ayaa ciidamada Sirdoonka ka warheleen, waxaana goobtaas ka howlgalay ciidamada Ka hortagga Qaraxyada ee NISA kuwaasoo si xirfadaysan u furay miinadaas ayadoon wax khasaaro ah ka dhalanin.
Arrinkan waxay ka mid tahay howlaha ciidamada Sirdoonka ay ku badbaadinayaan bulshada Soomaaliyeed, laguna fashilinaayo damaca argagixisada ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Bulshada.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com