Qaraxii labaad ayaa maanta dhacay Magaalada Muqdisho, kadib qarax weyn oo is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka.Qaraxa labaad ayaa ka dhacay xaafadda Waaberi cusub ee degmada Waaberi, waxayna wararku sheegayaan qaraxu kadhacay Gaari nooca NOAH ahaa goobtaasi yaalay.
Gaariga qarxa ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray ninkii darawalka ahaa, mana jirto faafhaahin kale.
Qaraxyad Muqdisho ayaa sii kordhaya iyadoo xukuumadda cusub ay iminka shaqadeeda bilowday oo la kowsaneynsa ololaha amaandarro ee Alshabaab.
Goobjooge.com