Qarax ayaa caawa qabsaday guri ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan kasoo baxeen qaraxa iyo waxa dhaliyay.
Qaraxa ayaa qabsaday Guri ku yaalla xaafada Buurta Diikow ee degmada Kaaraan, waxaana qaraxa si weyn looga dareemay xaafadaha ku dhow guriga, waxaana la ogaaday in lagu dhex diyaarinayay guriga.
Qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxa oo loo maleynayo inuu yahay qofkii gacanta ku hayay ee diyaarinayay, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen qof kale, sid ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ninka ku dhintay Qaraxa ka dhacay guriga uu isla maanta ka yimid degmada Qoryooley, waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaan ka bilaabay nooca qaraxa.