Tuesday, June 24, 2025

Qarax labaad oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & Darawalkii waday Gaariga oo la qabtay…

Qarax labaad ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib qarax xoog leh oo gigilay caasimadda daqiiqado ka hor.

Qarax labaad ayaa ka dhacay Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho, waxaan jugtiisa laga maqlay meel badan oo ka mida degmooyinka Muqdisho, iyadoo ciidamada amniga ay xireen goobta qaraxu ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee KM 4 ay ka hortageen gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ay ka shakiyeen intii aanu qarxin, iyadoo gacanta lagu dhigay darawalkii waday gaariga, kadibna uu qaraxa dhacay.

Taliye ku xigeenka Booliska Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Gaariga ku qarxay Km 4 uu ahaa nooca NOAH, isla markaana ciidamada qabteen darawalkii gaariya qarxay, iyadoo wax qasaare ah aanu geysan.

Labada qarax oo daqiiqado kooban u dhaxeysay ayaa ka kala dhacay labada isgoys ee Sayidka oo laga ilaaliyo Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, iyo KM4 oo ah goob mashquul badan oo jidad fara badan isugu yimaadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON