Wednesday, June 25, 2025

Qarax lagu tuhunsan yahay koox aan ahayn Alshabab oo lala beegsaday Shirkadda Nadaafadda Muqdisho

Shirkadda Nadaafadda Muqdisho ayaa xalay lagu weeraray bam lagu tuuray gaari ka mida kuwa qashinka qaada.

Qaraxa oo ka dhacay xarunta shirkadda ee u dhow Isgoyska Soope, ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyay Maamulka Shirkadda ka shaqeysa Nadaafadda Magaalada Muqdisho ee ECCO.

Waxay sheegeen in Qaraxa uu ahaa mid bac lagu riday oo lagu hoos tuuray mid ka mida gaadiidkooda oo yaallay  iridka hore ee Garaashka Shirkadda oo ku yaalla meel u dhow Isgoyska Zoobe.

Maamulaha Shirkadda ECCO Maxamuud Yusuuf Xasan  ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin dad uu ku tilmaamay inay qashinka u diidi jireen dadka inay iska qaaraan, ayna warbixinta la wadaageen hay’adaha amniga.

Wuxuu beeniyay in qaraxu ahaa ahaa mid lagu xiray Gaariga shirkadda lahayd, wuxuuna ku dooday inuu ahaa bam gacmeed lagu weeraray gaariga meesha yaallay. Waa qaraxii ugu horeeyay ee lagu tuhunsan yahay cid aan ahayn Alshabaab.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON