Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegay inuu halkaasi ka dhacay qarax lala beegsaday ciidamada dowladda Federaalka.
Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka la geliyo ayaa ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Gaari ay saarnaayeen ciidamada ayaa qaraxu qabsaday, waxayna dadka degaanka sheegeen in saddex askari ay ku dhinteen, halka dhowr askari oo kale dhaawacyo kasoo gaareen.
Ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo kuwa dowladda ayaa halkaasi gaaray, iyadoo dhaawacii iyo meydadkii askarta halkaasi ka qaaday, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabeelle.