Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Qarax lala beegsaday Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayey duleedka degmada Balcad.
Wararka ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Miinada dhulka la geliyo uu qabsaday Gawaari kolonyo ahayd oo ay leeyihiin AMISOM oo ku sii socotay magaalada Jowhar, kana tagtay Muqdisho, iyadoo aan wax faafhaahin ah laga bixinl qasaaraha soo gaaray ciidamada AMISOM.
Dadka degaanka ayaa sheegay in qarax oo ahaa mid xoog leh uu qabsaday gaari ka mida kuwa ciidamada AMISOM xilli ay marayeen degaanka Haanta Sheekh ee duleedka degmada Balcad oo ah goob ay inta badan weerarro ka geysteen Alshabaab.