Tuesday, July 15, 2025

Qarax lala beegsaday Injineerada dhismaha Jidka Afgooye iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax halkaasi ka dhacay, kaasoo lala beegsaday ciidamada Booliska iyo shaqaalaha dhisaya Jidka Muqdisho iyo Afgooye.

Waxaa warar kala duwan kasoo baxayaan waxyaabaha loo adeegsaday qaraxa, waxaana wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin, iyadoo qaraxu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay inay ku dhinteen 2 askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Haramcad, iyo injineer Turki ah, waxaama ku dhawacmay afar Turkiyiin ah, dad shacab ah iyo ciidamo.

Ciidamada ayaa toogtay qof laga shakiyey oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray, kuna soo socday goob ay ku sugnaayeen Injineeradda dhisaya Jidka, kaasoo isla goobtii ku qarxay.

ALSHABAAB OO SHEEGTAY IYO FAAHFAAHIN KA AKHRISO HALKAN

TURKIGA OO SHAACIYAY INAY MUWAADINIIN UGA DHINTEEN QARAXA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON