Qarax xoog leh ayaa lala beegsaday mid ka mida hoteelada magaalada Muqdisho oo ku dhow xeydaabka Madaxtooyada Soomaaliya.
Faafhaahinta laga helayo qaraxa ayaa sheegeysa in lala beegsaday hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho, kaasoo ka mida hoteelada ay degan yihiin siyaasiyiinta iyo qurbejoogta.
Qaraxa ayaa waxyeelo weyn u geystay Baar kasoo horjeeda hotelka Naasahablood 2 oo lagu magacaabo Banooda, kaasoo dad badan ay ku sugnaayeen, waxaana la soo weriyay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Qaraxa oo ahaa mid aad u weyn ayaa la sheegay in kadib ay rasaas bilaabtay hotelka, iyadoo aanay kala caddeyn inay gudaha u galeen dabley ka tirsan Alshabaab iyo rasaasta ay ridayaan ilaalada hotelka iyo ciidamada ammaanka.
Xaaladda ayaa cakiran, iyadoo ciidamo fara badan ay goobta xireen, waxaana socda gurmadka dadka dhaawaca ah loo fidinayo. Waxaa laga cabsi qabaa in weerarku ahaa mid mattaane ah.
LA SOCO FAAFHAAHINTA…