Monday, July 14, 2025

Qarax miino oo Caawa ka dhacay Xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino ka dhacay magaalada oo sababay qasaare.

Qaraxan oo ahaa miino ayaa ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey inuu ku dhintay hal askari, iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamada amniga oo si weyn u adkeeyay amniga caasimadda.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee maanta oo ahayd maalintii koowaad ee Ciidul fitriga laga soo weriyo magaalada oo xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah, taasoo ay cabasho ka muujiyeen dadweynaha.\

Dayniile ayaa ah degmada u shisheysa magaalada oo dacalka ku heysa Gobolka Sh/hoose, iyadoo magaalada inteeda kale ay gacan bir ah ugu jirto ciidamada amniga caasimadda ee dhowaan la sameeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON