Tuesday, June 24, 2025

Qarax Miino oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Milateriga Somalia iyo Qasaare ka dhashay.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in degaanka waydow ee duleedka caasimadda uu ka dhashay qasaare gaystay oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan milateirga Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu qaraxiyay Gaari ay wateen ciidamada dowladda oo marayey degaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxa dhaliyey dhimashada hal askari iyo dhaawaca 8 qof oo saddex ka mida ay yihiin ciidamadii la socday gaariga iyo saddex ruux oo shacab ah oo dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka la galiyo oo la dhigay wadadda dhinaceeda, iyadoo lagu qarxiyey laba gaari oo Cabdi bile ah oo ay wateen ciidamada, xiligaasina halkaasi marayey.

Wararka aya sheegay in dadkii shacabka ah dhaawacooda waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ay hore u qaateen dhaawacyadii soo gaaray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON