Tuesday, June 24, 2025

Qarax Miino oo Lix qof oo isku Qoys ah oo ku dishay duleedka Magaalada Buuloburte

Ugu yaraan 7 qof, oo 6 ka mid ah ay isku qoys yihiin, ayaa dhintay kadib markii ay la qaraxday miino waddada bartankeeda lagu aasay, degaan qiyaastii 7 km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Buuloburte.

Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ay kala yihiin hooyo iyo 4 caruur oo ay dhashay, aabahood iyo macalim dugsi quraan, waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Buuloburte, iyagoo ka tagay tuulo ku taalla galbeedka magaalada.

Qoyska ku dhintay qaraxa miinada, ayaa adeeg caafimaad waxaa ay u doonanayeen magaalada. Afarta caruur ee dadka dhintay ku jiray waxaa hayay xanuunka jadeecada oo lagala tacaaleyay.

Guddoomiyaha Buuloburte Cabdi Daahir Guure, ayaa warfidiyeenka u sheegay in nuuca miinada ay ahayd kuwa Taangiyada lagula dagaalamo, waxaana loogu talagay, sida uu sheegay, in lala beegsado gaadiidka ciidamada oo waddada isticmaala.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON