Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu qarax qasaare geystay uu ka dhacay agagaarka Shinemo Nasri, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa sheegay la sheegay inuu ka dhashay Miino goobta la dhigay waxaana ku dhaawacmeen 3 qof, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah, waxaana dadkii dhaawaca ahaa loo kala qaaday isbitaallada ku dhow.
Miinada Qaraxday oo ahay mid culus, wuxuuna ka dhacay goob ay dad badan ku sugnaayeen ee Shineemo Nasri, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.