Qarax xoog leh ayaa ruxay magaaada Manchester ee daka Ingiriiska xalay xilii dambe, iyadoo lala beegsaday goob uu ka socday bandhig faneed ay dhigeysay fanaanad Mareykan ah.Qaraxa ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan. iyadoo Boolisku sheegay in weerarku yaha mid argagixiso, waxaana ku dhintay 19 qof, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxu ahaa mid uu geystay qof is-miidaamiye ah, waxaana uu dhacay xilli xaflada ay markaas uun soo dhammaatay oo heeso ay ka qaadeysay fanaanad Ariana Grande, waxaana goobta ka dhacday is buurasho iyo dhiig fara badan oo goobta hareeyay.
Xukuumadda Ingiriiska ayaa kulan degdeg ay yeelaneysa saaka iyadoo la joojiyay gebi ahaan ololeyaashii doorashada xisbiyada dalkaasi, waxaana booliska Ingiriiska uu wadaa olole baaritaan weyn ah oo weerarkan la xiriira.