Monday, August 25, 2025

Qarax saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka la heliyo ayaa saaka ka dhacay magaalada  inta u dhaxeysa Isgoyska Tarbuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan. Waxaana lala beegsaday ciidamo saarnaa gaari yar oo wadada marayay.

Dadka degaankaasi ayaa sheegay inuu Qaraxa dhaawac kasoo gaaray qof wadadda marayay, waxaana burbur weyn uu gaarsiiyey guri hoostiisa lagu aasay. Waxaa  goobta gaaray ciidamada amniga oo sameeyay baaritaano aan cidna lagu soo qaban.

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa si wey ugu soo batay qaraxyada miinada ee dhulka lagu aaso, iyadoo maalin ka hor qarax duleedka Muqdisho ka dhacay lagu dilay afar ruux oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON