Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Qarax lala beegsaday Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsadya Gaari Cabdi Bille ah, iyadoo qaraxa kadib halkaasi ka bilowday rasaas xoog leh oo loo maleynayo inay ka dhalatay weerar ay maleeshiyo Alshabaab ku qaadeen ciidamada qaraxa lala beegsaday.
Qaraxa iyo weerarka daba socday ayaa ka dhacay Xaafadda Carro-Qodka ee degmada Afgooye, waxaana kacsan xaalada degaankaasi.