Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu Duhurnimadii maanta ka dhacay Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Wadajir, meel u dhow suuqa xaafadaasi oo qaraxii dadka badan lagu dilay uu ka dhacay Bishii Febraayo.
Dadka degaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay dhigay goob Maqaayad ah oo dadku ka cunteeyaan, balse aanu qasaare geysan qaraxa maanta. Maqaalada ayaa la sheegay inay fariisin u ahayd ciidamada dowladda.
Burbur xoog leh iyo dhaawacyo fudud ayaa la sheegay inuu geystay qaraxa oo cabsi weyn geliyay dadka degaankaasi.
Goobjooge.com