Wednesday, July 16, 2025

Qaraxii 14-ka Oktoobar ee Muqdisho:- Kaalintee ayuu ka galay Weerarradii Argagixiso ee Dunida? [Akhriso]

Taariikhda weerarrada argagixiso ee ugu waaweynaa uguna dhimashada badnaa Dunida waxaa markii ugu horeysay kaalimaha hore kasoo galay Qaraxii weynaa ee 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.

Weerarkii Muqdisho ee 14-ka Oktoobar 2017 waxaa ku dhinteen 656, sida ay caddeysay Guddiga Gurrmadka Qaran oo warbixintooodii ugu danbeysay ku shaaciyey tiradan, waxayna taas macnaheedu yahay in Qaraxiii Soobe uu kaalinta labaad ka galay liiskaasi madow, iyadoo kaliya uu ka horeeyo weerarradii 11-ka September ee lagu qaaday dalka Mareykanka.

Hoos ka akhriso liiska weerarradii Argagixiso ee ugu waaweynaa dunida iyo kaalinta uu ka galay Qaraxii Muqdisho

KaalintaDadka ku dhintayMagaca weerarkaGoobta uu ka dhacayTaariikhda
12,996Weerarradii September 11New York City Arlington County, Virginia Stonycreek Township near Shanksville, Pennsylvania2001, Sep 11
2656Qarixii lagu hoobtay ee MuqdishoMogadishu, Somalia2017
3449Weerarro ka dhacay Ciraaq May 2013Dalka Iraq2013
4422Dabkii Shineemada RexAbadan, Iran1978
5400Xasuuuqii TrujilloTrujillo, Valle del Cauca1990
6389Weerarradii hareeyay Ciraaq July 2013Dalka Iraq2013
7385Dadkii lagu Afduubay  Iskuulka BeslanBeslan, Russia2004
8341Qaraxyadii Xaafadda Karraada ee 2016Baghdad, Iraq2016
9336+Weerarkii 2014 ee GamboruGamboru & Ngala in Borno State, Nigeria2014
10329Bamkii lagu qarxiyay Diyaaradii Air India Flight 182Hawada dalka Ireland Atlantic1985
11307 Qaraxyadii 1983 ee Beirut Beirut, Lebanon1983
12293Daarihii Ruushka ee la qarxiyayMoscow, Volgodonsk,1999
13270Qarxintii diyaaradii Pan Am Flight 103Hawada Lockerbie, Scotland1988
Waxaa xusid mudan in Qarixii Muqdisho ee 14-ka Oktoobar 2017 ee galay kaalinta 2-aad ee weerarradii argagixiso ee dunida oo dhan aysan weli sheegan kooxda ka danbeysay ee Alshabaab.

Somalia Blast Toll at 237 as Residents Protest Al-Shabab

DIYAARINTII GOOBJOOGE.NET

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON