Waxaa caawa magaalada Muqdisho laga maqlay qaraxyo dhowr ah oo la sheegay inay ahaayeen madaafiic hoobiyeyaal ah, iyadoo aanay faahfaahin laga bixin ayaa waxaa goor dhoweyd arrintaasi war yaab leh kasoo saartay Wasaaradda Amniga.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi-kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in qaraxyada caawa laga maqlay Muqdisho ay ahaayeen kuwo ka dhashay waxyaabo la farsameeyay oo been abuur ahaa.
Qaraxyada lagu tilmaamo inay been abuur yihiin waxaa looga baray wasaaradii amniga xilligii uu wasiirka ka ahaa C/kariin Guuleed iyadoo madaafiicdaasi ay dhimasho iyo dhaawac ka geysata xilliyadaasi Muqdisho.
Madiifiicda caawa ayaa si xoog leh looga maqlay degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley, ilaa hadda lama soo werin qasaare ka dhashay.
Goobjooge.com