Dhowr weerar oo loo adeegsaday bambooyin ayaa caawa lagu qaaday goobo katirsan magaalada Muqdisho.
Weerarka hore ayaa ka dhacay Isgoyska Howlwadaag, iyadoo Bam gacmeed lagu weeraray ciidamo ku sugnaa Is-goyska, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen laba qof oo caruur ah.
Weerarka kale ayaa oo loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa ka dhacay Ceymiska, iyadoo aan wax qasaare ah la soo werin.
Warar kale ayaa sheegay in qaraxyo kale laga maqlay magaalada Muqdisho caawa. Galabta ayay ahayd gaari ku sugnaa Koontaroolka Siinka Dheer uu ku qarxay halkaasi, iyadoo saddex qof ay ku dhinteen.