Qaraxyo is-xigay ayaa saaka aroortii lagu burburiyey qaar ka mida Kaamerooyinkii ay Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA ku xirtay Wadooyinka caasimadda Muqdisho.
Qaraxyada oo Magaalada laga maqlay aadaankii labaad ee salaadda subax ayaa ahaa ilaa 5 qarax, iyadoo loo adeegsaday miinooyin loo dhigay Baalayaasha xambaarsanaa Kaamerooyinkaasi oo ahaa saldhigyo muuqaal keydiyeyaal ah oo ku yaalla wadadda Maka Almukrama, waxaana la beegsaday afar goobood oo u dhow Isgoyska Dabka iyo agagaarka Hotel Maka Almukarama.
Dadkii ugu horeeyey ee wadadda mara ayaa soo weriyey in dhowr kaamero lagu burburiyey qaraxyadii is xigay ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kaamerooyinkan CCTV dhowaan laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…