Thursday, June 26, 2025

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo dhaliyay Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh

Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhimatay,  saddex kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxyo ka dhacay maanta degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Qarxyada oo  ahaa kuwo is xigay ayaa ka dhacay xaafadda Raadeelka ee Degmada Dayniile, qaraxa hore ayaa ahaa Miino ku qaraxday Gaari ay wateen Ciidanka Dowladda, halkaas oo uu dhaawac ka dhashay, waxaana xigay qarax kale oo ka dhacay agagaarka Isbitaalka Guutaale oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay qarax hore.

Qaraxa dambe waxaa ku dhintay haweeney ka mid ahayd shaqaalaha Isbitaalka. Dhaawacyada qaraxa hore ayaa gaaraya saddex oo laba kamid ay yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Xog-hayaha Degmada Dayniile Mahad Sharraabe ayaa sheegay in qaraxyadaay saaka ka dhaceen degmada Dayniile, iyadoo dhaliyeen dhimashada qof, iyo dhaawaca saddex kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON