Monday, July 14, 2025

Qaraxyo ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho & Qasaare ka dhashay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo ka dhashay miinooyin ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso  waxayna  ka dhaceen Xaafadda Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qaraxyada ay waqti kooban ay kala horeeyeen, iyadoo lala beegsadya Gaadiid ay wateen ciidamada dowlada oo halkaasi marayey.

Qaraxa koowaad ayaa lala eegtay Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana dhaawac kasoo gaaray 3 Askari. Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay wadadda Jeneraal Daauud, kaasoo la sheegay inuusan geysan qaasaare.

Qaraxyada maanta ka dhacay wadadda  Isku xira Jeneraal Daa’uud iyo Xaafadda Daarusalaam oo kala qeybisa Degmooyinka Dayniile iyo Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah qaraxyo  nooca miinada dhulka ah oo muddooyinkan ka dhacayey Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON