Wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa sheegaya in qaraxyo lala beegsaday xero ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.
Laba Bam gacmeed ayaa lagu weerarray xerada Tadaawun ee degmada Afgooye oo ciidamo ka tirsan dowlada ay ku sugnaayeen, waxaana qaraxyada ay keeneen qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Saraakiisha ciidamada ayaa ku warramay inuu askri ku dhintay qaraxa ayna ku dhaawacmeen laba kale, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii ka danbeysay weerarka, xilli ay sii kordhayaan amaandarrada ka taagan Afgooye.
Alshabaab ayaa si weyn u kordhiyay dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan degmada Afgooye iyo degaanada la xiriira tan iyo intii madaxda sare ee dalka ay ku dhawaaqeen in dagaal lagu qaadayo Alshabaab.