Wrarka laga helayo degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in caawa fiidkii ay qaraxyo ka dhaceen Guri uu deganaa Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.
Qaraxyada oo ahaa laba qarax oo is xiga ayaa la sheegay inay ahaayeen miinooyin la dhigay guriga, waxaana ay geysteen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo uu guriga ka maqnaa sarkaalka la beegsaday oo ahaa Taliyaha ururka 54-aad ee guutada 7-aad.
Wararka ayaa sheegaya inay qaraxyadaasi caawa ka dhacay degmada Wanlaweyn ku dhinteen 3 qof, ayna ku dhaawacmeen 5 kale, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay inuu qasaarhai ntaas ka badan yahay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada degmada sameeyeen, qaraxyada kadib iyadoo la qabqabtay dad u a badan dhalinyaro..