Wednesday, June 25, 2025

Qaraxyo magaalada Muqdisho lagula beegsaday Ciidamada AMISOM & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho aya sheegaya qaraxyo lala beegsaday kolonyo ciidamada AMISOM ka tirsan oo ku socdaaleyay Wadadda Balcad xilli ay marayeen isgoyska SOS agagaarka Suuqa Xoolaha.

Saddex qarax oo xoog leh ayaa laga maqlay halkaasi, waxaana xigay rasaas ay fureen ciidamada AMISOM, iyadoo dadka degaanka ay sheegayaan in qaraxyada ay ahaayeen Miinada nooca dhulka la geliyo, waxayna dhaceen waqtiyo aad isugu dhow.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa koowaad uua qabsaday mid kamida Gaadiidka dagaalka Ciidamada AMISOM, daqiiqado kadib ayaa hadaana la maqlay qarax kale oo isna qabsaday gaari kale oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo taagnaa meel aan ka fogeyn halkii uu ka dhacay Qaraxii hore.

Xaaladda degaankasi ayaa kacsan iyadoo lasoo weriyay in dad shacab ah ay ku dhaawacmeen rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM, waxaana goobta ku xayirmay Kolonyadii ciidamada AMISOM iyadoo dadweynihii ku sugnaa ay ka cararrreen.

Degaanka suuqa Xoolaha ayaa lagu tilmaamaa meelaha ugu halista badan Muqdisho, waxaana si joogto ah uga dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON