Thursday, June 26, 2025

Qaraxyo waaweyn oo laga maqlay magaalada Muqdisho & Hoobiyeyaal ku dhacday dhowr xaafado ka tirsan…

Warara laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo waaweyn laga maqlay magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu horeeyay ee laga helo qaraxyadaasi ayaa sheegaya inay ahaayeen madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley, siiba agagaarka Garoonka Stadio Muqdisho, Baar ayaan iyo xaafadaha u dhow.

Ilaa shan Hoobiye ayaa la maqlay qaraxyadooda, waxayna dadka degaanka soo weriyeen in mid ka mida uu ku habsaday goob maqaayad ah iyadoo ay jiraan qasaare kala duwan.

Hoobiyeyaasha ayaa sababay dhimashada laba qof oo shacab ah iyo saddex kale oo ku dhawacmay xaafado ku dhow Garoonka kubadda cagta stadio Muqdisho oo ay degan yihiin ciidamada AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON