Wednesday, October 5, 2022

Qareen Eedeysanayaasha Alshabaab ka difaaci jiray Maxkamadaha oo lagu dilay Muqdisho

Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho dil qorsheysan ku fulisay Qareen caan ah oo Maxkamadaha kasoo muuqan jiray isagoo u doodaya xubnaha Alshabaab.

Abukaate Maxamed Warsame ayaa waxaa rasaas ku furay dabley hubeysan xilli uu ku sugnaa Xaafadda Z K ee degmada Hodon, wuxuuna ahaa Qareen sharciga ku bartay dalka Yeman oo ka howlgala Muqdisho.

Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray, iyadoo kooxihii hubeysnaa ee dilkiisa geysay ay baxsadeen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’adhaa Amniga iyo maamulka Gobolkla banadir.

Ad

Qareen Maxamed Warsame ayaa ka soo muuqan jiray Maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana inta badan loo qaban jiray inuu difaaco dacwadaha loo haysto dadka ku eedeeysan Al-Shabaabnimada iyo kiisaska kale.

Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka Qareenka oo ka dhacay xaafada Saliga American-ka ee degmada Wadajir, waxayna sheegeen inuu Abuukaato Maxamed Warsame Maxamed ka tirsanaa maxkamada ciidamada Milateriga dowladda.

Falalka Amni darrada iyo dilalka qorsheysan ayaa kusii kordhaya Muqdisho muddooyinkii dambe, waxaana inta badan sheegta Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,002FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON