Thursday, July 17, 2025

Qareenkii Donald Trump oo denbiyo lagu helay lugaha u geliyay Madaxweyne Trump [Warbixin]

Qareenkii hore ee madaxweyne Trump ee lagu magacaabo Michael Cohen  ayaa maxkamad ku taalla Manhattan ka qirtay dambi dhowr ah iyo uu meel sharciga u yaalla dhaqaalaha loo adeegsado ololaha doorashada dalkaasi.

Qarenka ayaa u sheegay Maxkamadda New York inuu denbiyadaasi galay isagoo uu kula taliyey ayna isla wadeen howsha “murashaxa” oo uu la ujeedo Donald Trump oo hadda ah madaxweynaha Mareykanka, si ay saameyn ugu yeelato doorashada madaxweynaha oo ah tii uu ku soo baxay Trump.

Debiyada uu qirtay Cohen waxaa ka mida lacagta ceeb qarin ahay oo la siiyay laba hablood oo Donald Trump ku eedeeyay in uu xiriir gogol la yeeshay, si ay u aamusaan oo aanay u fadeexeyn Donald Trump.

Qareenkan oo 51 jir ah ayaa qirtay 8 dacwadood oo ay ka mid yihiin canshuur lunsasho iyo dambiyo xisaabo bangi la xiriira, arrintaas ayaana dhacday isaga oo wadashaqayn la samaynaya dacwad oogeyaasha, si isagana il naxariis leh loogu fiiriyo.

Dacwadaha loo heysto Micheal Cohen ayaa la sheegay inay ciqaabtoodu noqon karto qiyaastii 65 sano oo xabsi ah. Laakiin heshiiska uu galay ee ah in uu gacansiiyo baaritaanka la wado ayaa horseedi kara in lagu xukumo ilaa shan sano oo xabsi ah, sida uu sheegay xaakim William Pauley

Dacwadaha uu Cohen qirtay inuu galay waxay kala yihiin:

1- Shan dacwadood oo canshuur la baxsasho ah.

2- Hal dacwo oo ah inuu been u sheegay hay’ad maaliyadeed.

3- Hal dacwo oo ah in inuu si kas ah ugu sabay shirkad in ay lacag sharci darro ah bixiso.

4- Iyo hal dacwo oo ah inuu tabarucaad dheeri ah bixiyay ka dib codsi uga yimid musharrax ama olole doorasho.

Bisha Diseembar 12 ayaa la qorsheeyay in la rido xukunkiisa. Haddana waxaa lagu sii daayay damaanad kadib markii uu bixisay 500,000 oo doolar ah.

Arrintan ayaa lugaha la gashay madaxweynaha talada haya ee Donald Trump oo ay isku kiis noqdeen Qareenkiisii shaqsiga ahaa, waxayna arrintan xaalad cusub u yeeshay baaritaanka ku socda doorkii uu Ruushku ku lahaa doorashadii Mareykanka ee 2016, taasoo uu si lama filaan ah ugu guuleystay Trump.

Qareenkii Madaxweyne Trump oo isu dhiibay FBI-da [Dembiyo uu qiranayo & Maxkamad lasoo taagayo]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON