Friday, July 11, 2025

Qareenkii hore ee Madaxweynaha Mareykanka oo Trump ku tilmaamay Cunsuri & Khaa’in Been badan..”

Qareenkii hore ee madaxweyne Donald Trump, ninka lagu magacaabo Michael Cohen ooa maanta hor tegay Guddiga ka tirsan Aqalka Wakiilada ayaa u sheegay in madaxweynaha uu yahay “Nin Cunsuri ah oo neceb dadka madow, beenlow iyo khaa’in.

Cohen oo eedeymo kala duwan loo heysto ayaa Guddiga u sheegay in Trump uu ogaa in la-taliyahiisa ololihii doorashada ee Roger Stone inuu xiriir la lahaa aas-aasaha ururka WikiLeaks, kaasoo baahiyey Emai-lo laga xaday xisbiga dimoqraadiga Mareykanka oo eedeynaya Hillary Clinton.

Qareenkii hore ee Trump Mr. Cohen wuxuu caddeeyay in madaxweyne Trump uu ogaa kuna amray inuu uga been sheego Congress-ka qorshe uu doonayey inuu dabaq dheer uga dhisto magaalada Moscow ee dalka Ruushka, inkastoo uu Koongareska u sheegay inuusan xiriir ganacsi la lahayn Ruushka.

Qareenka Cohen ayaa maanta hor-tagay Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa wajahay su’aalo fara badan oo roobka looga dhigay, iyadoo ay si weyn u weerarreen mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga iyo taageerayaasha Trump, wuxuuse ku adkeystay inuu runta sheego.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON