Maxkamadda Gobolka Nugaal ayaa amartay in la xiro mid ka mida Qareennada u doodayey eedeysanayaasha kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan, kaasoo lagu soo eedeeyay inuu ku kacay falal aflagaafo iyo iska hor keenid shacab isugu jira.
Maxkamadda Darajada kowaad ee gobolka Nugaal u xalaaleysay Xariga Mustaf Maxamed Jaamac, kadib markii loo xiray war uu ka faafiyey dacwadda Caa’isha Ilyaas, waxaana xeer ilaalinta ay dalbatay xabsiga lagu sii hayo, taasoo ay ogolaatay maxkamadda Gobolka Nugaal.
Xeer ilaalinta gobolka Nugaal, ayaa Mustaf Maxamed Jaamac oo ka mida Qareennadii difaacayey ragga ku eedaysan kiiska Caa’isha Ilyaas ayaa lagu eedeeyay aflagaaddo, cay iyo iska’ horkeenid shacabka iyo dowladda Puntland, sida ku qorneyd qoraal xeer ilaalinta u gudbisay Maxkamadda.
Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen oo soo saaray waaranka, ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal ku amray, in uu xabsiga ku hayo Qareenka Mustaf Maxamed Jaaamac.
Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, ayaa maanta ku dhawaaqday in maalinta Berri ay go’aan ka gaari doonto, saddexda eedaysane ee loo haysto kiiska Caa’isha Ilyaas oo hore maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Nugaal ugu xukuntay dil toogasho ah , balse ay rafcaan ka qaateen.

