Thursday, July 31, 2025

Qarixii 8-aad oo ka dhacay Srilanka & Bandow lagu soo rogay dalkaasi [Sawirro]

Qarixii 8aad ahaa ka dhacay magaalada Colombo ee dalka Srilanka oo maanta ay ruxeen qaraxyo is daba joog ah oo lala beegsaday hoteello waawey iyo xarumo kaniisado.

Qarixii ugu danbeeyay ayaa ka dhacay degmada Demotagoda ayay boolisku sheegeen inuu ahaa is-miidaamin ayna ku dhinteen saddex askari ee booliska ah. Qaraxii ka horeeyay qarax kale oo ahaa kii toddobaad oo isna ka dhacay degmada Dehiwala, iyadoo qaraxan ay ku dhinteen laba askari oo Boolis ah.

Dadka ku dhintay qaraxyada maanta ka dhacay dalka Srilanka, ayaa hadda ayaa hadda 207 qof, waxaana ku dhaawacmay 400 qof oo kale, iyadoo qaar ka mida qaraxyada ay ahaayeen is-miidaamin.

Saaka ayay ahayd amarkii ilaa 6 qarax ka dhaceen kaniisado iyo hoteelo ku yaalla magaalada Colombo, waxaana lagu soo beegay ciidda Masiixiga ee loo yaqaan Easter-ka. Bandow ayaa lagu soo rogay dalkaasi oo dhan, waxaana ciidamo badan la dhigay wadooyinka caasimadda, waxaana la xiray baraha bulshada.

Wasiirka Gaashaandhigga Sri Lanka Ruwan Wijewardane ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan kuwii ka danbeeyay weerarkam ayna aqoonsadeen kooxaha argagixisada ah ee dalkooda ka howlgala.

Waxaa la sheegay in dadka dhintay ay ka mid yihiin Dalxiiseyaal shisheeye oo ka yimid Mareykanka, Holland iyo UK, waxaaana Madaxweynaha dalkaasi Maithripala Sirisena uu ka codsaday dadka dalkaasi inay is dejiyaan oo ay baaritaannada ka caawiyaan laamaha ammaanka iyo ciidamada Booliska.

The death toll has risen to at least 156 people, including nine foreigners, and more than 400 have been injured after the initial six near-simultaneous explosions across the country, an official said (pictured: The aftermath in one of the churches)
Security forces inspect the scene after a blast targeting Shangri La hotel in Colombo, Sri Lanka on Easter Sunday

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON