Tuesday, July 1, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre: “Aniga & Farmajo waan ka duwan nahay madaxdii hore, labadii sano…”

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sheegay inay isaga & Madaxweynaha kasoo baxeen balantii ay ka qaadeen shacabka Soomaaliyed ee aheyd inay wada shaqeynayaan, isagoo caddeeyay inay isaga iyo madaxweyne Farmaajo ka duwan yihiin madaxdii hore ee dalka soo martay.

“Waxaan balan qaadnay aniga & Madaxweynaha inaan ka duwanaan doono madaxdii dalkaan ka soo shaqeysay oo labadii sano ee la soo dhaafay si dhab ah ayaan u wada shaqeynay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo waxqabad weyn ka dhigay wada-shaqeynta kala dhaxeysa madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay dagaal kula jirto musuqa, ayna ku howlan tahay dib u habeynta ciidamada, laakiin wuxuu beeniyey inay awood u adeegsato mucaaradka kasoo horjeeda. “Anaga cidna xoog kuma muquunino laakiin dhaqanka dowladnimo, ayaa wuxuu yahay haddii aad rabtid inaad dhaqaalaha dib u habeyn ku sameyso waa in musuq maasuqa lala dagaalamaa, waxaan aaminsahay shacabka Somaliyed intooda badan inay indhahooda macalin yihiin..’ ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo wareysi siiyey TV-ga Universal.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ku dooday in Soomaaliya ay ka jirto Saxaafadda xor ah oo madax banaan marka loo eego ama lala bar bar dhigo dunida inteeda kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON