Monday, July 14, 2025

Qarixii SYL oo sababay in la waayo Wasiirka Amniga & Agaasimaha NISA [Ma Is-casilayaan?]

Qarixii weynaa ee shalay ka dhacay Hotelka SYL xilli uu markaas uun dhammaaday shir amniga ku saabsan ayaa keenay xaalad ka duwan qaraxyadii hore ee Muqdisho ka dhacay.

Qaraxan wuxuu isbedel ku keenay qaabkii madaxda dowladd Federaalka u dhaqmi jireen markii ay dhacaan weerarada noocan oo kale ah, isla markii uu qaraxu dhacay waxaa la sheegay in wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed  uu dhaawac kasoo gaaray, laakiin war la soo dhigay barta wasiirka ayaa lagu sheegay inuusan wasiirku ku sugneyn Goobta.

Wasiirka Amniga oo looga bartay in marka ay qaraxyo dhacaan uu warar ku saabsan  qaraxyada soo dhigo bartiisa ayaa shalay la waayay meel uu ka baxay marka laga reebo warka ku saabsan inuusan goobta joogin oo xogheynta wasiirka ay soo qortay.

Ma jirin shir jaraa’id oo ay qabteen wasaaradda Amniga, waxaana sidoo kale  la waayay Agaasimaha Hay’adda NISA Jen. C/llaahi Gaafow oo isna diiday inuu saxaafadda la hadlo, isla markaana qaban waayay telefoonadii.

Labadan mas’uul waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu horeeya ee saxaafadda la hadla marka qarax dhaco, laakiin xaaladii shalay dhacday oo fashil weyn u muuqatay ayaa ku aamusisay mas’uuliyiintan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dood xoog leh dhex martay guddiga ammaanka ee madaxweynuhu guddoomiyo oo canaan kulul loo jeediyay hay’adaha ammaanka, waxaase la fogeynayaa in labadan mas’uul ay is casilaan xilligan kala guurka ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON