Thursday, June 26, 2025

Qas ka taagan Beerta Nabadda & Waanwaan laga dhex wado Taabit iyo Ganacsatada

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qas iyo buuq ka dhashay Beerta Nabada ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu amar ku bixiyay in lacag la’aan laga dhigo Beertaasi oo ay maamulaan ganacsato maalgelin ku sameeyay markii ay kala wareegeen maamulka Gobolka Banaadir.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa la sheegay in Beerta albaabada loo furay oo ay si bilaash ah ku gelayeen dadka, taasoo qas ka dhalisay Beertaasi kadib markii dad badan ku soo jabeen.

Qaska ugu weyn ayaa dhacay markii koox ciyaal-suuq ah ay is baheysteen oo ay damceen inay galaan, iyadoo markii loo diiday weerar dhagxaan ah ku qaaday Beerta, taasoo xaaladii ammaanka khalkhal gelisay.

Dadaal lagu doonayo in xal looga gaaro arrinta beerta ayaa laga dhex wadaa guddoomiyaha Gobolka Banadir Taabit Cali iyo ganacsatada Beerta si xal loogu helo arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON