Thursday, June 26, 2025

Qasaaraha Qaraxii Magaalada Muqdisho oo kordhay & Sheekh Caan ahaa oo ku dhaawacmay

Qasaarasha ka dhashay qarax maanta duhurtii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sii kordhay, iyadoo qaraxaasi lala beegsaday Maqaayadda Bilsan ee u dhow Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dhimashada qaraxu sababay ay gaartay 18 iyadoo dhaawacu ka badan yahay 15 kale. Hay’adda gargaarka ee Aamin Ambulance ayaa laga soo xigtay inay goobta ka qaadeen 11 dhimasho ah iyo dhaawac gaaraya 16 kale.

Qasaaraha waxaa sii kordhiyey iyadoo maqaayada qaraxu saameeyay ee Filsan ay xilligaasi mashquul ahayd, waxaana dadka waxyeeladu soo gaartay ay u badan yihiin shacab halkaasi ku sugnaa iyo kuwo marayey wadadda.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mida Sheekha caanka ah ee Yuusuf Cali Ceynte oo ah guddoomiyaha Majmaca culimada, kana mida culimada waaweyn ee Muqdisho iyo guddiyada dowladda Soomaaliya ee arrimaha gargaarka, waana aabaha dhalay wasiirkii hore ee qorsheynta C/raxmaan Ceynte.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON