Friday, June 27, 2025

Qasaaraha Qarixii Adis ababa oo sii kordhay & Warar is khilaafsan oo ka baxaya [Ku dhowaad 100 dhaawaca]

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya qasaaraha qarixii maanta ka dhacay fagaaraha Meskel ee magaalada Adis ababa xilli uu ku sugnaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo halkaas dad kumanaan ah kula hadlay.

Ra’iisal wasaaraha  Abiy Ahmed ayaa TV-ga dalkaasi ka sheegay qaraxa kadib in dhowr qof ay ku dhinteen, laakiin madaxa xafiiska Ra’iisal wasaaraha Fitsum Arega ayaa sheegay inaysan jirin cid ku dhimatay qaraxa balse ay jiraan dhaawacyo gaaraya 83 oo  6 ka mida ay xaaladoodu liidato.

Warbaahinta kale ee Itoobiya ayaa hore u shaaciyey in 4 qof ay ku dhimatay qaraxa dad ku dhow 100 ay ku dhaawacmeen, iyadoo 16 ka mida ay xaaladoodu halis tahay, waxaana weli taagan jahawareer ka taagan qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka.

Wararka is-khilaafsan ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xafiiskiisa ayaa muujinaya inay xaaladu ay tahay mid isku qasan, kadib weerar uu Abiy Ahmed ku tilmaamay mid si weyn loo soo qorsheeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON